Jirrabaadda dadka gef sameeya iyo u xoog sheegashada cidda kaa itaal yar ayaaa ahayd mid la bilaabantay abuuritaankii dunida, aadmiga guudkeeda lagu uumayna raacidda wadadaas xun ayaa la qumanaatay, maalinba heer ayaa la soo  maray oo qaab cusub oo jirdil ah la daahfuray, laakiin qalabka ayaa is dhaamay oo qaar ayaa ka baxsanaa insaaniyadda, qofka dhibanaha ahna barayay macnaha dhabta ah ee jirdil.

Waxaan idiin soo gudbinaynaa qaar kamida qalabkii sida arxan darrada ah loogu jirdili jiray ciddii gef xun gasha ama boqorka sanka u taagta oo loo maleeyo inay kursigiisa ku siqayso.

Baafka ama weelkan birta ah ee sida dheriga u samaysan ayaa la galin jiray qofka isaga oo madaxa kaliya loo ogol yahay inuu banaanka ula soo baxo, kadibna askariga fulinaya deldelaadda ayaa ku dhoobaya wajigiisa malab iyo caano ilaa dukhsiga iyo cayayaanada kale ee baalalayda ahi ku soo xoonmaan.

qofkan la dilayo waxa si joogta ah loo siiyaa cunto si calooshiisu u socoto oo saxaradiisa u dhex  dabaasho kadibna dirxiyo ayaa ku dhasha goobtaas, silicaas ayuu ku jirayaa ilaa inta uu ka dhimanayo.

Farageetada qaabka baanadda u samaysan ayaa lahayd laba af oo mudaca qofkana mudaya waxaa lagu xiri jiray qoorta dhibanaha ama danbiilaha iyada oo la isticmaalayo suun yar, mudacyada sare ee farageetada ayaa lagu aadin jiray garka hoostiisa halka kuwa hoosana ay cuskan jireen dhamaadka hunguriga, hadii uu madaxiisa soo foorariyo way daloolinaysaa sidaas ayuuna kugu daynayaa warkiisu.

Vlad the Impaler dadka qaarna u yaqaaneen Vlad Dracula ayaa ahaa dhiig miirte ka talin jiray Wallachia, Romania qarnigii 14aad ee dhalashada ciise, Vlad ayaa dhibanaha ku fadhiisin jiray ul taagan oo af fiiqan leh sida waranka kadibna hoos ugu cadaadin jiray, dhibanayaasha qaar ayay ku qaadan jirtay 3 maalmood inay dhintaan.

Vlad waxaa la sheegaa in maalin maalmaha kamida uu qaabkan qudha uga jaray in ka badan 20,000 qof xilli uu hadhimo si dagan u cunayay.

Qaabkani waa mid kamida kuwa ugu caansan qalab jirdileedka, waa qaabka ay kiristaanku aaminsan yihiin in nabi ciise loo dilay, qaabkan qofka ayaa dharka laga dhigayaa kadibna gacmihiisa lagu musbaarayaa looxaan taagan, halkaas ayaana looga tagayaa ilaa ay naftu ka baxdo.

Qalabkan foosha xun ayaa loo yaqaanay gabadhii birta ahayd, waa bir dusha sare sida qofka u samaysan gudahan ku leh musbaaro taasoo adkeenaysa in qofka la galinayaa nuux-nuuxsado.

Waa mid kamida qaababkii loogu jeclaa qarniyadii dhexe. waxaa loo yaqaanay jirdalka sanduuqa.

Qofka ayaa la galin jiray shabaq  jidhkiisa le’eg, hadii uu cayilan yahay waxay galin jireen shabaq cidhiidhiya kadibna waxay ka laalaadin jireen geed ama biraha dadku lagu deldelo halkaas ayayna uga tagi jireen ilaa hilibkiisa haadda iyo tukuhu isku diraan.

Qaabkani waxuu u eg yahay kii Vlad the impaler waxaa loo yaqaanay Judas cradle, qofka ayaa lagu fariisin jiray xool bir ah oo sida ahraamta loo sameeyey. Dhibanaha badanaa waa la qaawin jiray si jir dilka dullayn loogu daro kadibna xarko ayaa lagu xiri jiray iyada oo hoos loo jiidayo.

Qalabkan oo loo yaqaanay boolka suulasha ayaa lagu burburin jiray faraha gacanta iyo kuwa lugaha ee dhibanaha si uu danbi u qirto ama u hadlo, waxaa sidoo kale  jiray boolal loo isticmaalo jajabinta suxulada iyo jilbaha ilaa markii danbe ay sameeyeen bool wayn oo madaxa burburinaya.

Hayayaashu waxay ahaayeen qaab ciqaabeed daran oo la adeegsan jiray waayadii dhexe. Hayayaasha ayaa isgoysyada, addimaha iyo qaybaha kale ee jidhka dhibanaha kala siibi jiray iyaga oo adeegsanaya sanduuq af banaan oo loox ka samaysan laba xarig oo gacmaha iyo lugaha dhibanaha xakamaynayana leh.

Waxaan filayaa hadii aad booska dhibanaha is dhigtay markii aad akhrinaysay inaad immika xanuun dareemayso, La wadaag asxaabtaada kale qaababkan foosha xun ee jirdilka nin uu ahaa madadaalada nin kale.

 

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Aqoon
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.