Bishan barakaysan ee Ramadan dadka muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka waa bisha ugu fadliga badan ee sannadka ku jirta, marka laga yimaado ka af-haysashada cuntada iyo hadalka xun waxa ku jira bishan habeen camalka la sameeyaa u dhigmo 1000 bilood, iyada oo arrintaa laga duulayo ayaa badanaa shaqaalaha iyo ardaydu helaan fasax si ay waqti badan u siiyaan cibaadada iyo ka ag dhawaanshaha eebbe laakiin waqtigaa badankiisu waxa uu ku lumaa hurdo, Ciyaar iyo Cunto karin , waxa aynu baraarugnaa goor ay xeedho iyo fandhaali kala dhaceen.

Waxaan idin la wadaagayaa 5 kooras oo si lacag la’aan ah aad Internet-ka uga baran kartid muddo aad u kooban.

Koorsooyinkani xilligan aan qorayo waa lacag la’aan waxa kaliya oo ay kaaga baahan yihiin inaad ka samaysato xisaab Free ah bogga ay ku jiraan sida Udemy iyo Skill Share.

1. How to Be Happy and Have the Life You Want: Tools For Success , Udemy

Sida cinwaanka ku xusan kooraskani waxa uu gacan kaa siinayaa sidii aad u heli lahayd waxa kaliya ee ninka lacagta leh iyo ka fara madhani u siman yihiin, Qof waliba farxad ayuu raadinayaa hadaba maxaad ku diiday inaad kooraskan fudud qaadatid si aad wadada u heshid.

Waqtiga: 1 saac/ 17 Cashar


2. How to Write Your Profile Summary on LinkedIn , Skillshare

Shirkadda Linkedin oo lagu tiriyo baraha bulshada ee lagu wado xiriiro ayaa hawada ku jirtay muddo ka badan 15 sano inkasta oo laga yaabo in magaceed aad sannadihii u danbeeyey maqashay ama kugu cusub yahayba. Shirkaddan waxa ay ka caawisaa dadka shaqo raadiska inay ka helaan fursado shaqo oo ku haboon shirkadaha munaasabka u ah ee ku soo bandhiga jagooyin banaan boggan maalin walba.

Haadii aad kamid tahay dadka xisaab ku leh halkan muddo dheer walina aadan helin codsi ka yimid shirkad waxa laga yaabaa in qaabka aad u galisay macluumaadkaaga ay kaa leexinayaan fursadihii albaabkaaga soo garaaci lahaa.

Sidoo kalana hadii aad rabtid inaad arrintan wax ka qabato ama aad tahay arday immika qalin jabiyay oo shaqo raadinaya waxa laga yaabaa albaab xafiis garaacidda inuu ka dhawyahay Linkedin oo ka shaqeeya in ka badan 180 waddan ayna  xubna ka yihiin 500 million, sidaa darteed ugu deeq waqti yar kooraskan waxaana laga yaaba inuu leexiya majaraha noloshaada kuuna fudaydiyo mid kamida hawlaha ugu wayn ee wadaad iyo waranleba ka walwalo.

Waqtiga: 50 daqiiqo/ 10 muuqaal


3. A Mini Course on Time Management , Udemy

Hadii aad habeen walba sariirta tagtid adiga oo is waydiinaya maxaa kuu qabsoomay maanta, Jawaabta kaliya ee aad soo celisaana tahay “Waxba ma qaban” ogow kaligaa ma tihid laakiin waa arrin aad wax ka qaban karto oo sugidda waqtiga iyo samirku ayna sixi karin.

kooraskani waxa uu kaa caawinayaa sidii aad u habayn lahayd waqtigaaga si aad hawsha maalin kaa qaadan jirtay aad saacado gudahood ugu dhamaysid, sidoo kalana aad baratid qaabka loo kala hormariyo hawlahaaga sida ay u kala muhiimsan yihiin.

Dhamaadka kooraskan hadii ay kaa dhab ahayd is bedel doonku oo aadna dhaqan galiso waxa aad baratay dhagahaagu jawaab kale ayay maqli doonaan marka aad waydiiso su’aashii aan bilowga soo xusnay.

Waqtiga: 37 daqiiqo/ 12 Cashar


4. Make Your Own 2048 , Udacity

Kooraskan oo ah dhinaca Programming ayaa iyada oo la isticmaalayo luqadaha HTML, CSS iyo Java Script sahlan waxa la sameenayaa game-ka caanka ah ee 2048.

Hadii aad jeceshahay inaad barato luqadaha asaasiga ee programming waxa laga yaabaa in daawashada dhisida Game-kani ku siiso dhiir gelin kaana hor qaado qodxaantii ku cabsi gelinysay mudada dheer.

Waqtiga: 1 Maalin


5. Video Basics for All: Shoot With Your iPhone, Edit Like a Pro , Skillshare

Muhiim maaha inaad haysatid kaamara qaali ah hadii aadan garanayn qaabka aad u isticmaalaysid, sidoo kalana farriintaada si saxa uma gudbin kartid hadii aadan garanayn qaabka saxda ee loo duubo muuqaal.

marar badan kaamarada taleefankaaga ayaa laga yaabaa inaad ka heli karto waxa aad ka raadinayso meelo kale ama lacag ku bixinaysid,  Gebagabada kooraskan waxa diyaar noqon doonaa muuqaal peofessional oo 1 daqiiqo ah kaas oo qofka daawanayaa fikrada gaarsinaya isaga oo aana caajis dareemin, Diyaar garawga, Bilowga sawir qaadista ilaa habaynta iyo soo saaristiisaba waxaad ku arkin dootaa kooraskan.

Waqtiga: 52 daqiiqo/ 11 muuqaal

Faallo ka bixi qormadan

Soo daadi qormooyin la xiriira Slider
Qormadan faallooyinka waa laga xiray.